DAAWO: RW Abiy Ahmed oo goor dhow ka degey magaalada Asmara + Sawirro

0

(Asmara) 08 Luulyo 2018 – Raysal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa goor dhow ka degey caasimadda Eritrea ee Casmara, isagoo la kulmay ninka ay mar colka dalkiisa ahaayeen ee Isaias Afwerki oo weji furan kusoo dhoweeyay.

TV-ga dowladdu maamusho ayaa muujinaya muuqaalka Ethio­pian Airlines oo ka degtay garoonka cidlada ah ee caasimadda Casmara, halkaasoo ay labada hoggaamiye salaan ka qaateen kooxda muusikada, waana booqashadii ugu horreeysey muddo 20 sano ah.

Waxaa caasimadda jidadkeeda la suray calamada labada dal iyadoo ay dad badan oo caadi ihi jidadka isugu soo bexeen, muuqaal ka duwan midkii looga bartay dalkaasi oo gacan bir ah ku jira.

Kulankani “wuxuu waa cusub u dhalinayaa iskaashi iyo nabad ka dhex dhacda labada dal,” ayuu Twitter ku qoray Wasiirka Warfaafinta Eritrea jaalle Yemane Meskel.

“Nabadi waa wax kasta,” ayuu yiri oday xirnaa duub iyo ookiyaale oo u warramayay TV-ga dowladda Eritrea.

Labadan dal ayaa foodda isku daray dagaal qaraar intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 70,000, balse iminka labadan nin oo u muuqda kuwo jawi saaxiibtinnimo ku kulmay ayaa doonaya inay colaaddaa dhameeyaan oo labada dal u furaan jid cusub, sida uu sheegay Dr Abiy, balse lama oga halka ay ku dambayn doonto.

Hadalsame Media