15 dal oo ay Somalia ku jirto oo la sheegay inay fashilmi karaan!

0

(New York) 08 Luulyo 2018 – Afartii sanaba waxaa la qabtaa cilmi baaris lagu dErso aduunka wanaag iyo xumaanba sanadaha soo socda, Waxaana arinkaas qabta National Intelligence Council.

Waxay soo saareen warbaxin ka kooban 140 bog oo cadeeymo wata, waxaa la ogaaday in cimilada ay wax wayn iska badali doonaan tasoo dhib wayn keeni karta, qaasatan cuntada oo yaraata, in dadka aduunka middle class ay tiradooda kor u kici doonto iyo isgaarsiinta dhib iyo wanaagba keeni doonto.

Waxaa kaloo warbixintaas xooga lagu saaray in 15 dowladood ay qatar ugu jiraan inay noqdaan Qaran burburay (Failed States), liiskaasi waxaa ku soo biirmay dowlado kale sida ka muuqato maabkaan aan hoosta idiin soo dhigay. Soomaalidana wali waxay joogaan qabiil iyo dan gaar ma arkaan waxa soo socda.

DALALKA HALISTA UGU JIRA INAY DUMAAN

Qofkii doonaaya inuu warbixinta aqriyo waa tan: https://www.dni.gov/files/documents/GlobalTrends_2030.pdf.

FG: Wax kastaahi waxay ku xiran yihiin doorka Soomaalida.

Hadalsame Media