SWEDEN VS ENGLAND: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan!

0

(Samara) 07 Luulyo 2018 – Xulalka reer woqooyiga ah ee Sweden-England ayaa galabta kulan neerfe nuuxis ah ku yeelanaya magaalada Samara, halkaasoo laga doonayo kooxdii France iyo Belgium ku seddexdeeyn lahayd nus-dhamaadka KA2018, xulka 4-aad wuxuu isna kasoo bixi doonaa ciyaarta Russia-Croatia, oo fiidkii ku qabsoomaysa Sochi.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa shaxda ay dhici karto inay galabta kusoo galaan labada xul ee Sweden oo doonaysa inay nus-dhamaadka gaarto tan iyo 1994-kii, iyo England oo aan usoo bixin tan iyo 1990-kii.

SAFAFKA LAGA YAABO

SVEZIA (4-4-2): Olsen; Krafth, Lindelof, Granqvist, Augustinsson; Forsberg, Ekdal, Larsson, Claesson; Toivonen, Berg. All. Andersson.

INGHILTERRA (3-4-1-2): Pickford; Walker, Stones, Maguire; Henderson; Trippier, Alli, Lingard, Young; Sterling, Kane. All. Southgate.

Garsoore: Kuipers.

Hadalsame Media