SWEDEN VS ENGLAND 0-2: Ingiriiska oo Nus-dhamaadka usoo baxay muddo 28 sano ah kaddib + Sawirro

0

(Samara) 07 Luulyo 2018 – Ingiriiska ayaa markii ugu horreeysey muddo 28 sano ah usoo gudbey nus-dhamaadka Koobka Adduunka oo ay ugu dambaysay sanaddii 1990-kii.

Goolasha Ingiriiska oo 2-0 uga badiyay Sweden waxaa u kala dhaliyay Harry Maguire iyo Dele Ali oo noqday wiilkii ugu yaraa ee Ingiriis ah isagoo jira 22 sano iyo 87 maalmood, Michael Owen uu 18 sano iyo 190 maalmood kulankii Romania 1998.

Ingiriiska ayaa sidaa ku fadhiya nus-dhamaadka isagoo sugaya midkii soo baxa labada xul ee Ruushka iyo Croatia.

 


Hadalsame Media