Maxay sameeyeen ciidamada Somalia markii ay qabsadeen astaanta Dhul-Baraha? + Sawirro

0

(Sanguuni) 07 Luulyo 2018 – Dalka Soomaaliya oo juqraafi ahaan dhaca Geeska fiiqan ee Afrika wuxuu sidoo kale ku yaallaa jiitinta kala barta dunida ee loo yaqaanno dhul-baraha (equator).

Waxaana nasiib xumo, barta dhul-baruhu ka maro dalka oo ku taalla Sanguuni oo ah magaalo yar oo dhacda Jubbada Hoose oo ah gobol ku fiican wax soo saarka beeraha, wuxuu ka mid yahay meelaha ay ka jiraan dagaallada micna darrada ah ee la degey dalka, waxaana halkaa dhowaan AS ka qabsaday ciidamada dowladda.

Haaruun Macruuf oo ka mid ah weriyayaasha VOA ayaa bartiisa Twitter-ka sidan kusoo qoray: ”Markii ay ciidamada Somalia Sanguuni – oo ah magaalo uu kala jaro dhul-baruhu – shaqada koowaad ee ay qabteen waxay ahayd dayactirka taallada dhul-baraha oo ay ku maluuqeen midabka buluugga ah ee calanka Somalia. Al Shabaab, dhanka kale, haddii ay qabsadaan, waxay dejinayaan midabka calanka Somalia.


 

Hadalsame Media