DHAGEYSO: Dowladda soomaaliya oo war ka soo saartey weerarkii lagu qaaday wasaaraddaha arimaha gudaha iyo tan amniga

0

(Muqdisho) 7 Luulyo 2018 – Dowladda Soomaaliya Ayaa war ka soo saartey weerar Qarax Ku Bilowdey oo Al-shabaab maanta ay ku qaaden dhismo ay daganyihiin Wasaaraddaha Arimaha Gudaha iyo Tan amniga magaalada muqdisho.

Wasiirka wasaaradad Warfaafintas Xukuumadda Soomalaiya Daahir Gelle oo weerarkaas kadib shir Jaraa’id kuq Gudaha wasaaradda warfafainta ayaa sheegay In Howlgalkii weerarka ahaa oo ay soo qaaden al-shabaab la soo afjarey,waxaana uu sharaxay sida uu weerarku u dhacay.

Wasiir Geelle ayaa sidoo Kale sheegay In 2 -Ruux ay Geeriyooden sidoo kale tiro kale ay dhaawcameen balse Tiradooda aysan hadda heynin oo la baarayo.

Waxaa uu ugu Dambeyn sheegay in dadka dhaawacmey  Xaaladoda ay si gaar ah ula socondonto dowladda, Isaga soo shacabka ka dalbadey in ay Ciidamdda amaanka la shaqeeyaan.

HAlkaan Ka Dhageyso.

Hadalsame Media