YURUB VS LATIN AMERICA 2-0: Belgium & France oo nus-dhamaadka tiigsadey (France oo rikoodh jebiyay) + Sawirro

0

(Kazan) 06 Luulyo 2018 – Belgium ayaa tarabuunka saartay dalka ugu guusha badan Koobka Adduunka ee Brazil oo ay 2-1 kaga adkaatay ciyaar kulul oo ka dhacday magaalada Kazan.

Brazil oo dhibka iskugu wacnayd ayaa waxaa goolka koowaad ka dhaliyay isla laacibkeeda Fernandinho, kahor intaanu mid kale u saarin laacibka Casaawayaasha Kevin De Bruyne, waloow ay Brazil mar dambe rajo soo gashay oo uu gool kasoo jaray Ranto Augusto.

Belgium waxay sidaa nus-dhamaadka ugu raacaysaa France oo iyadna garaacday camaaliqada kale ee Latin America ee Uruguay oo laba jeer qaadday Koobka Adduunka.


Uruguay oo eedday qabteheeda Muslera, ayaa waxaa goolasha u dhaliyay Raphael Varane iyo Antoine Greizman. Faransiisku waa dalka labaad ee qura ee tartanka koobka aduunka ka badiya sadex wadan oo Latin Amerika ah, waxa arrintaa kaga horreeyay Holland koobkii aduunka ee la qabtay sanadkii 1974-kii.

Hadalsame Media