TALO WADDANI: Qalbi Dhagaxoow yaan lagugu dhibco badsan!! (Baro 5-ta QAYBOOD ee daba ordaysa)

0

(Nairobi) 06 Juun 2018 – Waan ku faraxsanahay in Muwaadinkii Somaliyeed Md. Qalbi Dhagax uu xur yahay in in ONLF laga saaray Liiskii Dulmiga.

In kasta oo habeenkii uu imanayay aan Nairobi Joogay, haddana kama qayb qaadan soo dhoweynta, sababta oo ahayd: qaboow, gaadiid la’aan iyo anniga oo waqti dambe maqlay.

Galabta 6/7/2018 Aniga oo aad u daalan qaboowna i hayo oo saaxiibkey ku sugaya fadhiga Hotel Leco, Nairobi ayaa arkay mar kaliya dad dudaya, waxaan ka dhex aqoonsaday Md. Qalbi Dhagax, waan isa salaanney, waqti aad u kooban, waxaan ku iri: iska jir yaan lagu siyaasadeeyn oon lagu isticmaalin.

Wallaahi, markaan halkaa tegayay isma lahayn waad is arki doontiin, iimana qorsheeysneyn in aan ugu tago halka uu joogo si is tustus ah ama waxa beryahaan loo yaqaan (Igu Sawir) ee mid na agtaanaa ayaa yiri aan idin sawiro. Waxaan dareemay soo deyntiisii kaddib in ay jiraan dad badan oo daba ordaya.

DADKA QALBI DHAGAX DABA DUDAYA WAA 5 NOOC:

a- Kuwa wata arragtiyo & dano siyaasadeed oo ay leeyihiin, doonayana in ay ku dhax fushadaan (ka dibna isaga tagaan).

b- Kuwa leh dano dhaqaale oo raba in ay sumcadiisa sarriftaan. (Haddey beec u waayaana ka tegaya).

c- Kuwa jadbeeysan , maba oga nuxurka waxa socda, (Haddii si kale wax loo tusana ka soo hor jeesanaya).

d- Kuwa u daba socda dibidaabyo labaad, iyo siriq sumcad ka dilid, (haddey u hirgasho iyo haddey ka fashilantaba ku ag daahi maayaan)

e- Kuwa arragti wadaninimo ku taageeraya & kuwa halgan hore ay soo wada wadaageen ( kuwani wey la jiraayaan, haddaan xagiisa ayna iska badalin Mabaadiidii ay ka mideysnaayeen).

Maxaabiis badan ayaa Itoobiya lagasoo daayay oo muddo badan ku xirnaa, sida Boqorka Bartamaha , inkasta oo qaabka xariggu uu kala duwanaa, haddana siyaasiyiintu sidaa uma daba ordin.

Waxaa kale shaki Abuuri kara in Itoobiya ayna ka dhigin maxbuus caadi ah ee la soo daayay oo la yiri: ”iska bax, laakin soo Marsiinta VIP da garoonka Adis, macne kale ayey yeelan kartaa in Itoobiya ay abuurto shaki asaga looga shakiyo si ay u xumeeyso, iyo in ay u muujiso Dowlada Somalia in ayna muhimad gaar ah laheyn.

Waxa uu ahaa Sarkaal fiican , Halgamaa fiican, laakin weli ma naqaan ma yahay Siyaasi fiican, Sport Man fiican, Ganacsade fiican, shaqada aad rabto in aad u dhiibato ayey ku xiran tahay, ma naqaan xirfadahaan kale sida uu ku yahay, mana jiro qof wax kasta ku wanaagsan.

Aniga iyo Adigaba haddii qof Soomali ahi uu cadaw u gacan galo waan in wixii tabar ah aan ku biirino sidii aan wax ugu qaban laheyn. Haddii uu gacan Cadaw ka soo baxana, aan la talino, khayrna aan ugu duceeyno. wallaalkeen Qalbi Dhagax iyo Qooyskiisana aan ugu duceyno in Allaah uu siiyo Mustaqbal wanaagsan, Aduun & Aakhirana Nimco.

FG: Sida wallaala badan oo idinka mid ah oo kale, Taageeradeydii hore ee Walaalkey Qalbi dhagax ma aheyn, Lacag ku hel, siyaasad ahaan uga Faa’iideyso. Danteeydu waxa ay ku koobneed xuriyadiida ha helo, sida XaashI Cumar Xassan iyo Kuwii aan Xabsiga Hindiya ugu tagay.

Farxad waxaa ii ah in Qadarka ALLE, ay Caawa xur yihiin, waxaana u mahad celinayaa intii Lilaahi uga qayb qaadatay Muwaadiniintaa Xuriyadooda, intii Dambiga ka gashayna, haleeyska cafiyo, ALLAAHNA ha soo hanuuniyo.

(Wixii iga khaldan iga sax, waxan cabiray aragtideyda waana khaldami karaa)

Qore: Yahya Amir

Hadalsame Media