Facebook oo wada hadal kula jirta Cristiano Ronaldo (Sabab?)

0

(Menlo Park) 06 Luulyo 2018 – Camaaliqada baraha bulshada ee Facebook iyo jookarka reer Portuguese ee Cristiano Ronaldo ayaa sida la sheegayo waxay iskula jiraan wada hadal lagu doonayo in lagu sameeyo barnaamij bandhig ah (TV Show) oo looga hadlayo taariikh nololeedka CR7.

Sharikaddan ka dhisan dooxada Silicon Valley ayaa doonaysa inay baahiso barnaamij 13 qaybood ah oo ay ku faafin doonto qaybta Facebook Watch, kaasoo lagu faaqidi doono nolosha xidigga Real Madrid.

Ronaldo, 33 jir, ayaa barnaamijkaa ka heli doona $10 milyan oo doollar, sida ay sheegayso  Variety. Qannaaska reer Portuguese ee Ronaldo ayaa ka mid ah xiddigaha suuqa wayn leh ee haatan ciyaara kubadda cagta, isagoo baraha bulshada ku leh in ka badan 120 milyan oo raace.

Ronaldo ayaa sanadkii $47 milyan oo doollar ku qaata iidhehyo kuwaasoo lagu daray $61 milyan oo doollar oo iskugu jira mushahar, gunno iyo bareemiyo, sida uu qabo Forbes.

Hadalsame Media