DAAWO: Turkiga oo samaystay hub laysar ah, 4 markab oo dagaalna u dhisaya Pakistan

0

(Ankara) 06 Luulyo 2018 – Turkiga ayaa ku guulaystey tijaabada hub laysar ah oo uu farsameeyay, kaasoo ku shaqaynaya tamar heer sare ah, laguna sameeyay mashruuc la yiraahdo IŞIN Project.

Hubkan oo ay samaysay Hay’adda Cilmi Baarista Xogta Amaanka (Tübitak Bilgem) ayaa loo gudbin doonaa qaybta farsamaysa hubka ee dalkaasi Turkiga, waxaana tijaabada lagu muujiyay laysarka oo ka dusaya bir gaashaan ah oo uu xajmigeedu yahay 22 mm, fogaan dhan nus KM, waxaana loo adeegsan doonaa meelo fara badan.


Dhanka kale, Turkey ayaa ku guulaystey qandaraas uu 4 markab oo dagaal ugu sameeynayo ciidamada badda Pakistan, sida uu ka dhawaajiyay wasiirka gaashaandhigga Nurettin Canikli, isagoo arrintaa ku tilmaamay heshiiskii ugu waynaa marka si gaar gaar ah loo eego heshiisyada millaterri iyo arrin muhim u ah “wax soo saarka millateri” Turkiga.

Canikli ayaa arrintan uga dhawaaqay dalka yar ee Montenegro, oo uu booqasho rasmi ah ku joogo. “Waxay Turkey ku guulaysatey qandaraas ay 4 markab oo dagaal ugu dhisayso ciidamada badda Pakistan,” ayuu wasiirku u sheegay Anadolu Agency.

TCG Büyükada (F-512), markabka labaad ee Ada-class ASW kaasoo ciidamada badda Turkiga loogu dhisay MILGEM project.

Hadalsame Media