DAAWO: Midowga Yurub oo Sucuudiga & Imaaraatka ku cambaareeyay doorkooda taban ee Somalia

0

(Brusells) 06 Luulyo 2018 – Baarlamanka Midowga Yurub ayaa dhaleecayn dusha uga tuuray dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta oo ay ku dhaliileen inay cunaqabatayn dhaqaale ku saareen go’aamkeedii dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay xasaradda Gacanka, sida ay sheegtay Al Jazeera.

Somalia “dhexdhexaad ayay ka noqotay” xasaradda Khaliijka, balse waxaa arrintaa ku colaadiyay oo “miisaaniyaddii ka goostay” dalalka Sucuudiga Carbeed iyo Imaaraatka Carabta.

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa labada dal ku boorriyay “inay joojiyaan fal kasta oo lagu wiiqayo soo kabashada iyo madax banaannida geyi” ee dalka Somalia.

Dalka Qadar go’doomiyay – UAE, Saudi Arabia, Bahrain iyo Egypt – ayaa la sheegay in ay Somalia u bandhigeen $80 milyan oo doollar si ay uga qayb qaadato go’doominta Qadar, balse way ku guuldarraysteen.

Waxay arrintu kasii dartay markii bishii Maarso ay DP World oo ay maamusho dowladda Imaaraatku ay heshiis la gashay maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Somalia, goortaas oo uu baarlamanka Somalia soo saaray sharci dalka ka mamnuucaya, waxayna markale sheekadu hawada isku shareertay markii garoonka Muqdisho lagu qabtay $9.6 milyan oo doollar oo la sheegay inay Imaaraatku saamayn siyaasadeed ku iibsan lahaayeen.

Hadalsame Media