SAWIRRO: Asmara oo isu diyaarinaysa booqashada RW Itoobiya oo halkaa ku wajahan! (Goorma ayuu tegayaa?)

0

(Asmara) 06 Juun 2018 – Raysal Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa inuu Axadda booqasho rasmi ah ku tago dalkaasi Eritrea, si uu uga jawaabo booqasho heer wasiir ahayd oo ay Eritrea ku tagtay Adis.

Dr Ahmed oo tan iyo markii uu xilka dalkaasi Itoobiya qabtay cayrsanayay siyaasad uu ku sheegayo inuu ku raadinayo isbeddel dhan walba ah oo ka dhaca gobolka Geeska Afrika ayaa horay ugu baaqay in xal laga gaaro colaadda 20-jirsatey ee u dhaxaysa labada dhinac.

Magaalada Casmara oo ah caasimadda Eritrea ayaa waxaa haatan si xoowli ah uga socda qaban qaabada safarka RW Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo saadambe halkaa tegaya, waxaana jidadka magaalada laga taagey calamada labada dal.

Dr Abiy ayaa wada booqday ku dhowaad dhamaan dalalka Geeska iyo Bariga Afrika oo ay Somalia ku jirto.

Hadalsame Media