WAR CUSUB: ”Ronaldo haddaba wuxuu dareemayaa inuu ka tirsan yahay JUVENTUS”

0

(Madrid) 05 Luulyo 2018 – Khabiirka ciyaaraha La Liga ee Guillem Balague ayaa daboolka ka qaaday “in madaxiisa ay ku jirto in Cristiano Ronaldo uu yahay laacib Juventus ah”.

Kooxda Bianconeri ayaa ka shaqaynaysa qorshe ku kacaya €100m oo ay ku keensanayso qannaaska Real Madrid oo haatan haysta Ballon d’Or, kaasoo Torino ku imanaya mushahar dhan qiyaastii €30m oo euro sanadkii.

Waxaa la sheegayaa in sharikadda iska leh Juve ee FIAT ay debberi doonto mushaharka badankii iyadoo ka faa’iidaysanaysa iidhehyo, ay lacagtaa badan aan looga jarin xisaab sanadeedka Juve.

“Madaxiisa waxaa ku jirta in CR7 uu yahay laacib Juventus ah,” ayuu yiri Balague, oo u shaqeeya Sky Sports UK iyo AS oo adeegsanaya Twitter.

“Juve waxay heshay qaab ay ku bixiso gunnadiisa. Real Madrid iyaduna waxay doonaysaa inay fasaxdo, Maanta mid uu tegitaan uga dhow yahay ma jirto?” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media