MAS’ALO WAQTI: Real oo la fariisanaysa wakiilka Ronaldo oo isna la sheegayo inuu Juve u xirxiran yahay! (Wararkii ugu dambeeyay)

0

(Madrid) 05 Luulyo 2018 – Kooxda Real Madrid ayaa sida la sheegayo qandaraas cusub u bandhigaysa Cristiano Ronaldo, si ay meesha uga saarto han-qalooca Juventus.

Jookarka reer Portuguese ayaa si isa soo tareeysa loola xiriirinayaa qorshe ku kacaya €100m oo Bianconeri, balse Real ayaa doonaysa in ay €30m sanadkii siiso, iyadoo xitaa beenisay warka la xiriirinaya Neymar iyo Kylian Mbappé, si ay u qanciso, balse weli waxba isma bedelin.

Warkii ugu dambeeyay ee haatan soo gaarey warqabadka Hadalsame ayaa sheegaya in u wareegista Cristiano Ronaldo ee Juventus ay tahay arrin la is waydiinayo goorma ee aysan ahayn mid joogta ma dhici kartaa.

Wakiilka 33-jirkan ee Jorge Mendes ayaa la fariisanaya madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo ay kulan aan caadi ahayn maanta yeelan doonaan, iyadoo ay Real doonayso inay laacibka ka saxiixdo qandaraas soconaya ilaa 2022, balse waxaa la sheegayaa in 5-ta Luulyo ay sidoo kale noqon karto maalin ay kala waydaartaan Ronie iyo Real, iyadoo ay dhici karto in CR7 ku biiro kooxda Bianconero oo 100 milyan oo euro ku rabta.

Hadalsame Media