ISHAARO: Xiddigaha Real Madrid oo soo bandhigay maaliyadda cusub ee 2018-19 + Sawirro (Ronie maku jiraa?)

0

(Madrid) 05 lUULYO 2018 – Waxaa sii xoogaysanaya wararka Cristiano Ronaldo usii jiidaya albaabka looga boxo Real Madrid oo haatan soo bandhigtay funaanadda kooxdaasi ee fasalka 2018-19 oo uu ka maqan yahay CR7.

Moodallada soo bandhigay funaanadda Real naqshadeeda cusub waxaa ka mid ah BenzemaMarceloSergio RamosAsensio iyo Kroos, balse kuma jiro CR7 kaasoo u muuqda mid u xirxiran xeebaha Talyaaniga.

Dhanka kale, hilinka SkySport ayaa werinaya in xitaa macallin Massimiliano Allegri uu si deg deg ah dib ugusoo laabtay Torino si uu suuqa kala iibsiga ugala xaajoodo madaxwayne Andrea Agnelli oo diyaarinaya funaanadda Ronaldo.

Hadalsame Media