11-KA KULUL: Ka bogo 11-ka holaca ah ee Juventus haddii uu ku biiro C. Ronaldo + Sawirro

0

(Madrid) 05 Luulyo 2018 – Khabiirka ciyaaraha La Liga ee Guillem Balague ayaa daboolka ka qaaday “in madaxiisa ay ku jirto in Cristiano Ronaldo uu yahay laacib Juventus ah”.

Kooxda Bianconeri ayaa ka shaqaynaysa qorshe ku kacaya €100m oo ay ku keensanayso qannaaska Real Madrid oo haatan haysta Ballon d’Or, kaasoo Torino ku imanaya mushahar dhan qiyaastii €30m oo euro sanadkii.

Haddaba, sida uu qabo Gazzetta dello Sport kooxda Juve ayaa 11 holac ah lasoo shir tegeeysa haddii ay hesho laacibka adduunka ee CR7.

SHAXDA CUSUB EE JUVE KUSOO GELI KARTO 2018-19:

JUVENTUS 4-3-2-1: Wojciech Szczęsny, Alex Sandro, Georgio Chiellini, Mehdi Binatia, Cancelo; Matuidi, Pjanic, Emre Can; Douglas Costa, Dybala; Ronaldo.

Hadalsame Media