TOOS u daawo: Qof aan la garanaynin ayaa iminka saaran Taallada Xorriyadda Maraykanka – LIVE

0

(New York) 04 Luulyo 2018 – Warka tooska ah ee haatan kasoo dhacaya magaalada New Yorka ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegaya in qof haweenay ihi saaran tahay Taallada Xorriyadda Maraykanka ee Statue of Liberty iyadoo ay wehliyaan 7 qofood, kuwaasoo la aamisan yahay inay yihiin dibed-baxayaal, kuwaasoo sitey baanar ay ku qoran tahay ”tuur ICE, oo ah waaxda kastamada iyo socdaalka, sida uu CNN faafinayo.

Halkan TOOS uga DAAWO CNN

Haweenaydan oo madow ah ayaa ku soc-socota xaga saarta taallada, iyadoo sidata wax u eg calan yar, halka qayb kale oo la aaminsan yahay inay iyada la socdaan ay hoos joogaan, lamase yaqaanno waxa uu ujeedku yahay iyo waxa meeshaa saaray toona.

Waxaa meesha loo diray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee taatikada, kuwaasoo la sheegay inay wehliyaan dadka loo tababaray la xaajoodka madax furashooyinka.

Hadalsame Media