”Sida aan qabo Ronaldo mar hore ayuuba Juve heshiis la galay” – Ronaldo oo la sheegay inuu xitaa caafimaadka u maray Juve

0

(Torino) 04 Luulyo 2018 – Agaasimihii hore ee isboortiga ee Juventus jaalle Luciano Moggi ayaa rumaysan in jookarka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo “uu horraanba heshiis la saxiixday kooxda Juve oo uu weliba caafimaadka ugu maray Munich.”

Wararka la isla marayo ayaa sheegaya in uu kooxdaasi kula biiray €100m xiddiga haysta Ballon d’Or iyadoo ay wararku haatan sii xoogaysanayaan, waxaana uga sii daray agaasimaha isboortiga Juve ee Beppe Marotta kaasoo markii la waydiiyay kaliya ku jawaabey ”ka hadli maayo.”.

Moggi oo mar uu shalay la hadlayay hilinka 7Gold is waydiiyay inay Juve u baahan tahay 33-jirkan ayaa haatan is beddeley isagoo fiidkan Twitter kusoo qoray: “Aragtidayda, mar hore ayuuba Juve heshiis la galay, caafimaadkana wuxuu ku maray Munich.”


Hadalsame Media