Maxaa ARDAYGA Soomaaliyeed asaaggii ka reebay? (Qormo qiime badan)

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2018 – Wiil soomaali ah oo waddanka shiinaha wax ka baran jiray baa ka sheekeeyay dhacdo igu dhalisay in aan qormadan qalinka u qaato.

Waxa uu yiri: “Markii aan jaamacadda dhiganayay ayaan la degenaa wiil shiinays ah, waxa uu ahaa mid aad u dedaal badan oo aan har iyo habeen buugga iyo qalinka kala dhigin, aniguna waan iska raaxaysan jiray, kaliya marka uu imtixaanku soo dhowaado ayaan casharrada kala furi jiray, maalin maalmaha ka mid ah ayaan waydiiyay sababta uu sidan naf-ka-baxa ah ugu dedaalayo.

Waxa uu yiri: ”Walaalow aniga iyo adiga isku mid ma nihin, sababta oo ah dadkaygu waxa ay kor u dhaafeen tiradoodu bilyan iyo dheeraad, sida aan intaas oo qof ugala soo dhex baxo irsaaqad heer sarraysana waxa ay iiga baahantahay in aan la imaado aqoon tayo badan iyo karti weyn oo la igaga xusho malaayiinta shaqo doonka ah, meesha adigu aad doonayso in aad ka dhex shaqaysato dad lagu qiyaaso dhowr iyo toban milyan, waana taas ta kala duwday qaabka aynu wax u baranayno.”

Waa runtiis, oo isku si uma diyaar garoobaan labo nin oo waxa sugayaa ay kala adagyihiin, labo nin oo midna uu leeyahay hadaf uu balaayiin qof kaga sarrayn lahaa, midka kalena uu hadaf ka dhiganaayo oo kaliya sida uu u guursan lahaa iyo reerkaas sida uu u biili lahaa.

Ma is waydiisaa mar walba in kumannaan arday soomaali ah ay qalin badashaan, haddana raad iyo meel ay cag dhigaan aan la arag?

Waa kumannaan heerar kala duwan gaaray, oo aqoontu afkaa taagantahay, balse noqday sida xunbada oo kale oo aan waxba tarin.

Waxa aan ku taabsiin karaa labo sababood oo aabeyaal u ah in uu ubaxa ummadu noqdo mid geedaha ka soo daata oo xash isu beddela, waana kuwaan:

1: HAN YARAAN

Waxa ay ka muuqataa sidan:

Waxa uu wax u bartaa_sida badan_ in uu ku shaqaysto maaddada uu soo bartay, heerka uu gaarsiinayana waxay ku xirantahay hadba darajada ay shirkadaha, jaamacadaha, iyo goobaha ganacsi ay ku shaqaalaysiiyaan dadka usoo tartama.

Kama fekero ardayga kale ee soomaaliga ah ee ka dambeya ee baran doona maaddada uu bartay, waxaad ka dheehan kartaa inuusan ahayn mid wax ka qora maaddada uu bartay, ama muuqaal ahaanba u duuba, sida Dhaqaalaha, Maamulka, Computer-ka, Engineering-ka, Ganacsiga, iwm.

Meesha aad arkayso marka aad rabto aqoonta noocaas oo kale ah in aad helayso buugaag iyo muuqaalo ku baxa af walba oo adduunka yaalla marka laga reebo kan soomaaliga ah.

Maba moodidba in uu yahay mid ka soo jeeda ummad loo baryo tago iyaga oo hodan ah, ummad doonaysa in ay hesho cid ka samata bixisa burburkaan baahay.

Isku soo duuboo, ma aha mid dhaxal-reebid wax u barta, ee waa calooshiis u tabcade.

2: XINTAMID LA’AAN

Ardayga soomaaliyeed ma xintamo sida badan, maxaa yeelay wuxuu arkaa oo loo dhigaa wiilal noociisa oo kale ah oo adduunyada wax ka beddelay, wuxuu daawanayaa wiilka turkiga ah oo baadi goobaya boqortooyadii awoowayaashii ay dhiseen ee Al cuthmaaniyah la oran jiray.

Waxa uu indhaha ku hayaa wiilka iiraaniga ah oo isna raadinaya imbiraadooriyadii Furus ahayd.

Waxaa u muuqda wiilka itoobiyaanka ah oo isna dedaal ugu jira sidii uu usoo celin lahaa boqortooydii Al Xabashah ee ka talin jirtay dhulal badan oo geeska afrika ka mid ah.

Waxa uu arkaa wiilal ka kala soo jeeda kontan maamul oo midoobay oo la magac baxay USA ama Mareykanka oo raba in ay waligood adduunka u taliyaan, uguna sarreeyaan.

Waxa uu arkaa wiilashii u dhashay dhowr iyo labaatanka dawladood ee yurub ku yaallay oo hal calan hoos tagaya kuna heshiinaya danta guud.

Waxaas oo dhan baa u muuqda ismana oranayo maxaa asaagaa kaa reebay! Maxayse ku dheeryihiin! Maxaad adba u raadsan la’dahay dhaxalkii awoowayaashaa, ninbaa alle kaa dhigee!

Balse inuu barako-beel yahay waa kan ku hoos naban calanka beeshiisa. Bal yaa ka so saara waa kaasee!.

Sadarka ugu danbeeya waxaan oranayaa: Ninka aan Han sare lahayn, aanna xintami karaynin, waligii ma horu-maro, gunnimo ayaa huran, ummadiisana wiil la mid ah ayaa hambooyinka u keena, waana ta dhalin yarada soomaaliyeed haysata.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Abuu Xaniifa Bin Sheekh

Hadalsame Media