MARCA: ”Sababtan ayaa Ronaldo ku khasabtay inuu Real ka calool goosto!”

0

(Madrid) 05 Luulyo 2018 – Warsidaha Marca ayaa ku doodaya in Cristiano Ronaldo uu niyadda ka go’aansaday inuu iskaga tago kooxda leave Real Madrid kaddib markii ay qandaraaskiisa ku xirtey shuruud uu u arkay “meel ka dhac” kaasoo ah inuu ku tegi karo €100m oo euro, waana midka ay Juventus haatan ka faa’iidaysanayso.

Warar badan oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in uu laacibku qarka u saaran yahay ku biiritaanka kooxda magaalada Torino, waloow aysan taasi ka dhignayn inuu weli heshiis dhacay.

Sida ku qoran caddad berritoole ee warsidaha Spanish-ka ah ee Marca, Ronaldo ayaa go’aanka uu kaga tegayo Real Madrid qaatay bishii Jannaayo, goortaasoo ahayd marka ay kooxdiisu qandaraaskiisa dhex gelisey shuruud heshiiskiisa lagu fasiqi karo oo ku kacaysa kaliya €100m, ilaa iyo inta uusan ku biiraynin kooxaha Barcelona ama Paris Saint-Germain, iyagoo ka fikirayay naadi Chinese ama Maraykan ah.

Ronie oo og in Neymar lagu qaatay €222m ayaa la sheegay inuu dareemay in “meel looga dhacay” markii qiimihiisa laga dhigay €100m.

Hadalsame Media