DAAWO: Raadkii Mingiste oo soo muuqday & Itoobiya oo foolanaysa!!

0

(Bahir Dar) 04 Luulyo 2018 – Madaxda sare ee maamul-goboleedka Amxaarada oo uu xitaa la joogey Raysal Wasaare xigeenka Itoobiya ee Demeke Mekonen oo qoowmiyaddaa kasoo jeeda ayaa diidey hannaanka federaalka Itoobiya, sida uu faafinayo web raacsan Tigreega.

RW xigeenka Itoobiya Demeke Mekonen, oo uu wehliyo madaxwaynaha maamul-goboleedka Amxaarada Gedu Andargachew, iyo dadwaynaha gobolkaasi ayaa si cad ugu gacan sayray hannaanka federaalka ah iyo dastuurka dalkaasi, shir ay ku qabsadeen Bahir Dar.

Warku wuxuu intaa ku daray in meesha lagu xumeeyay calanka haatan ay leedahay dowladda federaalka ah ee dalkaasi iyagoo soo qaatay calankii hore ee Itoobiya ee uu adeegsan jirey nidaamkii Mingistu Heile Mariam, iyadoo ay meesha joogaan ciidamada federaalka ah ee Itoobiya, kuwaasoo isir ahaan u badnaa qoowmiyadda Amxaarada, sida uu qorayo Tigrai Online.

Webku wuu sii hadlayaa oo wuxuu RW Dr Abiy Ahmed ku eedeeyay inuu indhaha uun ka daawanayo waxa ay Amxaaradu samaynayso, iyagoo weliba ku tuhmaya inuu wax ka ogyahay arrintaas, waxayna qoraalka ku sheegayaan in haddii la diido federaalka Itoobiya aysan jiri doonin wax Itoobiya la yiraahdo oo dambe.

Dadka gobollada Benishangul-Gumuz, Gambela, Afar, Somali, Quruumaha Koonfireed,  Tigrai iyo xitaa Oromia waa inay iska jiraan waxa ka socda Itoobiya oo ah afgembi qaboow, waayo haddii federaalka la tuuro waxaa soo noqon doonta inuu Amxaarigu noqdo luuqadda rasmiga ah ee Itoobiya oo lagu khasbo qof kasta. Haddaba diyaar ma u tihiin inaad ka tanaasushaan wixii aad kororsateen 27 sano? ayuu qoraalku waydiinayaa?

Qoraalka ayaa ka digaya in haddii ay 8-da gobol ee kale isku raaci waayaan inay joojiyaan hanqal-taagga Amxaarada ay Itoobiya geli doonto dagaal sokeeye.

Qoowmiyadda Amxaarada ayaa caadiyan kasoo horjeedda nidaamka federaalka iyadoo aaminsan inay Itoobiya tahay hal dal, iyadoo sidoo kale aalaaba ku fikirta inay xukunka maroorsato.

Marka aad eegto faallooyinka ay dadku ka bixinayaan warkan waxaa ka muuqanaysa in Itoobiya ay usii dhowdahay bartii karta, haddaan xaalku si kale u qaboobin.

Hadalsame Media