Burger King oo qiratay inay macaamiisheeda u qarisay HILIB FARAS!

0

(Miami) 04 Luulyo 2018 – Burger King, oo ka mid ah hay’adda ugu caansanhe dhanka cuntada fudud, ayaa dhowaantan qiratay inay HILIB FARAS u adeegsanayaan humburger-ka iyo whoppers-ka ay macaamiisha ku quudiyaan.

Yeelkeede, horay ayay arrintan dhowr mar horay u beeniyeen, iyagoo iminka raalli gelin ka bixiyay iyagoo u cudur daartay macaamiishooda oo aan arrintan ka warqabin.

Sharikaddan u shaqeeysa qaabka silsiladda ayaa waxaa hilibka ka saacidda Silvercrest, oo ah isla shirkadda sahayda ka taageerta Asda, Co-op iyo Tesco, iyadoo sanad kahor gebi ahaanba la mamnuucay saanadda shirkaddan.

Burger King, ayaase sheegtay inay shirkaddan Silvercrest ka qaadatay boqolleey yar oo usoo maray shirkad Polish ah oo ugu sheekaysay inuu hilibku ka yimid Ireland iyo Britain, taasoo keentay inay usoo daabulaan hilib aan ahayn midkii lagu heshiiyay sida ay ku qiil samaysanayso Burger King.

Waxaa dheer in shirkaddan oo aan Poland lafteeda rukhsad ka haysanin uusan xitaa nadaafad ahaan wanaagsanayn hilibka faras ee ay soo daabushay.

Hadalsame Media