XOG: Sharikad caan ah oo Ronaldo ku qalqaalinaysa inuu u wareego JUVENTUS!

0

(Torino) 03 Luulyo 2018 – Kala wareegista Nike iyo u wareegista Adidas ayaa la sheegayaa inay tahay sababta ka dambeeysa in jookarka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo lala xiriiriyo Juventus.

Sheekada ayaa markii hore kasoo muuqatay Tuttosport todobaad-dhamaadkii, balse haatan waxay u muuqataa mid sii xoogaysanaysa, weliba si xoowli ah 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay.

Sida ku dhigan Calciomercato.com, sababta ugu waynin waa door ay ciyaarayso sharikadda farsamaysa agabka isboortiga ee Adidas, tiiyoo uu laacibku heshiis kula jiro Nike tan iyo 2003, isagoo sanadkii ka qaata €24m oo euro, iyadoo Juve lafteeda qalabayn jirtey muddo 11 sano ah oo ku ekayd Luulyo 2015 oo ay u wareegtey Adidas.

Haddii Ronaldo u wareego Adidas, ayaa la sheegayaa inay meeshaas kasoo bexeeyso istaraatijiyad cusub oo dhanka iidhehda ah, taasoo sida uu sheegayo Romanews.eu ay durba Adidas naqshadaynayso nooca funaadda Cristiano Ronaldo ee Juve.

Sky Sport Italia, ayaa werinaya in waloow aysan jirin wax wada xaajood ah oo galabta dhacay uu misna laacibku maamulka Juve u sheegay inuu dhankooda soo eegayo haddii uu lacalla ka tago Real, waxaana la sheegayaa in mushaharkiisa oo  ah sanadkii ah €30m ay qayb ahaan bixinayso Adidas, halka qaybta kale ay bixinayaan qoyska Agnelli oo leh sharikaad maalgeliya Juve.

Hadalsame Media