LA YAAB: Iiraan oo Israel ku eedaysay inay ka ”xadday” DARUURO & BARAF!!

0

(Tehraan) 03 Juun 2018 – Jeneraal Iiraani ah ayaa dowladda Israel ku eedeeyay inay jawiga jahawareerinayso sida uu yiri si ay dalkiisa ugu diidaan inuu roob u da’o, wax uu ku sheegay ”xatooyo” daruureed, kahor intaanu warkiisa beenin ninka saadaasha hawada u qaabilsan dalkaasi Iiraan.

“Isbeddelka ku dhacaya cimilada Iiraan shaki baannu ka qabnaa,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Gholam Reza Jalali, oo ah madaxa Ururka Difaaca Madaniga ee Iiraan, sida ay soo werinayso ISNA.

“Dalal shisheeye ayaa door ka ciyaari kara arrintan. Israel iyo dal kale oo gobolka ku yaalla ayaa iska kaashanaya in daruuraha cirka Iiraan aysan roob dhalin,” ayuu dadka uga yaabiyay jeneraalku.

“Waxaa ka daran in daruur iyo baraf nakala xaday”, ayuu raaciyay Jalali, isagoo daliishadey cilmi baaris sheegaysa in ka badan 2,200 mitir uu baraf daboolayo buuraha u dhexeeye badda Mediterranean-ka iyo Afghanistan marka laga reebo Iiraan.

Jeneraal Jalali “sida laga yaabo wuxuu hayaa dokumenti aanan ka warqabin, balse marka la eego cilmiga saadaasha hawada, suuragal maaha inuu dal mid kale ka xado baraf ama daruuro,” ayuu yiri madaxa Saadaasha Hawada Iiraan ee Ahad Vazife, oo u warramay ISNA.

“Iiraan waxaa ku dheeraaday jiilaal, waase ifafaale caalami ah oo aan kaliya khuseeynin IIRAAN,” ayuu daba dhigay Vazife.

Hadalsame Media