Ingiriiska oo markii ugu horreeysey taariikhda rigoore ku badiyay KA + Sawirro

0

(Moscow) 03 Luulyo 2018 – Xulka England ayaa markii ugu horreeysey taariikhda ciyaar Koob Adduun ah rigoore ku badiyay, iyadoo 3 jeer oo ay rigoore gaareen 3-daba la reebay.

Markii uu Ingiriisku rigooraha ka cunay Jordan Henderson, kaasoo uu badbaadiyay David Ospina, waxay u muuqatey inuu Ingiriisku qulquli doono sidii caadada ahaydba.

Yeelkeede, markan xaalku waa ka duwanaa oo waxaa rigooreyaasha Colombia ka khasaariyay Mateus Uribe iyo Carlos Bacca, halka uu kiisa kasoo baxay Kieran Trippier oo England u dhaliyay.

England ayaa sidaa ugusoo baxday wareegga 8-da, tan iyo 2002-dii, waxayna Sabtiga kulan adag la leeyihiin Sweden oo sanadkan ka yaabiso ka ah KA2018.

Hadalsame Media