Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Soo Saaray Wareegto Lagu Joojinayo Iibka Dhulalka Danta Guud.

0

(Muqdisho) 03 luulyo 2018- Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa soo saaray qoraal dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka, intii uusan imaan booska uu hadda gudoonka ka yahay.

‘’Kadib Markuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho; isla markaasna uu hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan Guud ah oo ka dhexeeya umadda Soomaaliyeed waxa uu maamulku qaatay go’aan aanay cid gaar ah ku lahaan doonin. Ayaa lagu qeexay bayaanka soo baxay.

Waa Kuwan Qodobada Xeerkan:

Qodobka 1aad.

Laga billaabo maalinta Xeerkan la Saxiixo, waxaa dib looga noqday, isla markaana baabi’yay dhamaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, maadaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo loogu tala galay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dhanka aragtida guud iyo dib u soo cellinta billicda Magaalada Muqdisho;

Qodobka 2aad.

Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in muddo 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiinooyinka ah ee kor ku tilmaaman, maadaama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, waxeyna muddadu ka billaabaneysaa maalinta Xeerkan la Saxiixo;

Qodobka 3aad.

Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa laga qaadi doona tillaabo sharci ah oo arrimahooda waafaqsan, haddii ay jirto cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan Maamulka Sare ee Gobalka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar.