Guddoomiyahii Baardheere Oo Diiday Xilkaqaadis Lagu Sameeyey

0

(Muqdisho) 03 luulyo 2018 – Gudoomiyaha degamda baardheere ee gobalka gedo ayaa ka soo horjeestay wareegto ka soo baxday wasaaradda arimaha gudaha jubballand oo xil ka looga qaaday.

Wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland ayaa xilka waxaa looga qaaday guddoomiyahii degmada Baardheere ee gobolka Gedo, taas oo si kulul uu uga carooday.

Waxaa wareegtadan lagu sheegay in xilka laga qaaday guddoomiye C/laahi Nuur Xasan Cadow, kadib markii uu sameeyey amar diiddo, cabashana ay ka timid shacabka degmada Baardheere.

Sidoo kale, wareegtadan waxaa xilka guddoomiyaha degmada Baardheere loogu magacaabay Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax (Koofi).

C/laahi ayaa sababaha xilka looga qaaday waxaa ka mid ah hadal uu munaasabadda 1-da Luulyo ka jeediyey, kaasi oo uu ku weeraray madaxda ugu sarreysa ee maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale, Caddow ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyey, isaga oo sheegay in aan loo marin wadadii sharciga ahayd, islamarkaana uu yahay guddoomiyaha saxda ah ee degmada Baardheere.

Hadalsame Media