Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Isa soo Dhiibay

0

(Muqdisho) 02 luulyo 2012- Wararka ka imaanaya deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in halkaaso lagu soo bandhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab iyo sidoo kale askari isaga ilaalo u ahaa, kuwaas oo isu soo dhiibay ciidamo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Sarkaalkan lasoo bandhigay ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Xaaji Muuse, waxaana uu dagaallamayaashaasi ka mid ahaa muddo 8 sano ah.

Taliyaha ururka 58, guutada 11 ee qeybta 43 ciidanka xoogga dalka, C/fitaax Ibraahim ayaa sheegay in sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi uu isku dhiibay ciidanka dowladda kadib weerar ay ku qaadeen deegaankaasi.

Isagoo warbaahinta u waramay waxa uu sheegay “Ciidamada guul ayeey ka gaareen dagaal ka dhacay deegaanka Xaaji Muuse, waxaana is soo dhiibay guddoomiyahii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaasi iyo mid ka mid ah ilaaladiisa” ayuu si kulul u sheegay hadalkiisa.

Sarkaal katirsanaa al-shabaab oo isna hadlay laguna magacaabo Cali Cabdullaahi ayaa isna dhankiisa sheegay in uu diyaar u yahay inuu la shaqeyo dowladda federaalka ah isaga oo shacabka Jubbada Hoose cafis weydiistay.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa socday howlgallo ay Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyagoo bilihii ugu dambeeyey Al-shabaab kasaaray deegaanno dhowr ah.