MAQAARKAAGA SUN MARI: AQRI sheekadan haddii aad tahay qof is CADDEEYA + Maqal & Muuqaal (Qaybtii 2-aad)

0

(Johannesburg) 01 Luulyo 2018 – Sababta dawooyinkan la isku caddeeyo sharciyan loo mamnuucay waxaa ugu wayn inay ku jirto isku dhis kiimikaad oo la yiraahdo Hydroquinone, taasoo ah isku jir ribban ama seeko ah oo keeni kara inuu jirka ku dhoco dhaawac aan la dawayn karin.

Waxay sidoo kale kiimikadani cadaadisaa oo dishaa midab sidaha loo yaqaanno Melanin, oo ah midka sameeya midabka qofka, timaha iyo indhaha – haddii si guud loo micneeyo qofba qofka uu ka Melanin badan yahay wuu ka madoow yahay.

Professor Ncoza Dlova oo dhakhtar maqaar isla markaana marar badan la tacaaley dad ay dhibaato kaga timid dawooyinka la isku CADDEEYO ayaa sheegay in qayb ka mid ah waxtarka Melanin-ku uu yahay inay jirka ka dahaarto fallaaraha qorraxda ee loo yaqaanno ultraviolet, iyadoo haddii dubkaa la rido ay keeni karto inuu jirku gubto, qorraxda iyo kulkana u adkaysan waayo, amaba uu qaado kansarka maqaarka.

Sidoo kale kaddib markii ay caddaatay halista la socota dawada Hydroquinone – oo ah dawo kale oo la isku dhalaaliyo – dalal badan oo Afrikaan ah ayaa amaba mamnuucay, ama xadidey saamiga boqolkiiba uga jiri karta halkii xabo oo laga dhigay wax aan ka badnayn 2-4%, iyadoo loo baahan yahay inuu dhakhtar kuu qoro weliba.

Yeelkeede, dalal badan oo Afrikaan ah oo ay Somalia ku jirto, xaddiga ku jiraa waa wax ka badan 15 boqolkiiba marka la eego maaddada hydroquinone ee laga iibsan karo dukaamada caadiga ah.

Mathahle Stofile oo ah tifaftiraha warside wax ka qora quruxda ayaa sheegtay in ay nasiib darro tahay in ay is caddaynayaan dhallinyaro wiilal ah sida Jeff, welibana ay muujinayso in aysan weli sinnayn sinjiyada kala duwan ee Koonfur Afrika.

“Waa waalli intee le’eg in aynu ku nool nahay duni ay noloshaadu ku xiran tahay midabka maqaarkaaga. Taasi waa dhaxalkii midab-takoorka; ee ahaa in caddaanku uu wanaagsan yahay, in caddaanku uu qurxoon yahay.” ayay tiri Stofile.

Dhamaad

Dhakhtar maqaar eegaya haaro XANUUN badan oo kasoo yaacay Zinkle Msomi, oo ay sababeen waxyaabaha ay isku caddaysay.

Hadalsame Media