Dibad Bax Iyo Caro Ka Dhalatay Bajaajle Lagu Dilay Muqdisho

0

(Muqdisho) 02 luulyo 2018- Hadalheyn carol eh ayaa ka dhalatay markii Askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya uu toogasho ku dilay darawal Mooto Bajaaj waday manta nawaaxiga Seybiyaano, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamadan oo halkaasi ku sugnaa ay isku dayeen iney istaajiyaan mootada si aanay u dhaafin, hase ahaatee darawalkii uu maqli laawayay,  kadibna rasaas ay rideen ay haleeshay, warar madax banana ayaa sheegaya in la isku maandhaafay lacago ay askartu weydiiyeey darawalka isna uu kamadax adeeegay sidaasna rasaas loogu furay.

Rasaasta kadib wadihii Bajaajta ku dhintay, waxaana markaas kadib bilaawday banaanbax ay dhigeen wadayaal bajaajta muqdisho oo goobta tagay si ay u muujinayaan sida ay falkaan uga xun yihiin.

Bajaaleyda ka shaqeysa Muqdisho ayaa dhibaatooyin sidan oo kale ah waxay marar badan kala kulmeen ciidanka dowladda, iyadoo bishii Ramadan ee tagtay kaliya Muqdisho lagu dilay Labo darawal oo Bajaajle ah.

Majiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo Dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo saartay falkaan manta dhacay, iyadoo maalin walbana ay cabasho muujiyaan bajaajleyda Muqdisho.

Facebook Comments