WAR CUSUB: Ruushka oo sheegay inuu soo ridey raxan dayuuradaha is-wada ah!

0

(Latakia) 01 Luulyo 2018 – Dayuurado nooca is wada ah (drones) oo aan sumaddooda la garanin ayaa waxaa soo ridey ciidamada difaaca cirka ee Ruushka ka jooga Khmeimim Air Base oo ka tirsan dalka Suuriya, sida uu sheegay taliska dhexe ee Ruushkana wax dhib ihi ma gaarin xerada.

Dayuuradahan ayaa lagu arkay dhanka woqooyi bari ee xerada sida ay sheegayaan maamulka xeradaa ciidan. “Dhamaamba bartilmaameedyadii hawada soo galay waa la burburiyay,” ayay xaqiijiyeen, waloow aysan carrabaabin nooca hubka ay u adeegsadeen soo ridista dayuuradahaa is wada.

Ma aha markii ugu horreeysey ee saldhigga cirka ee Khmeimim Air Base, oo ku yaalla koonfur bari Latakia, lagu bartilmaameedsado dayuurado sumad la’aan ah, iyadoo bishii Maajo ee isla sanadkan ay sidoo kale sheegeen inay soo rideen dayuurad aan sumad lahayn oo drone ah.

Hadalsame Media