MAQAARKAAGA SUN MARI: AQRI sheekadan haddii aad tahay qof is CADDEEYA + Maqal & Muuqaal

0

(Johannesburg) 01 Luulyo 2018 – Jeff waa wiil dhallinyaro ah oo ku nool Johannesburg – caadiyan waa wiil madoow, balse wuxuu habeen kasta marsadaa dhowr kareem, si uu jirkiisa u yara ifiyo oo isu caddeeyo.

“Waxaan dareemayaa inaan hadda soo jiidasho badanahay,” ayuu Jeff u sheegay weriye ka tirsan Dateline oo ah Tania Rashid. “Maxaa yeelay hadda waan cad ahay.” ayuu raaciyay si kalsooni gacan ku samays ihi ku jirto.

Wuxuu qabaa in is caddaynta uu haatan sameeyay ay tahay sirta ka dambaysa horumarkiisa shaqo ahaan iyo shakhsi ahaanba.

Yeelkeede, waxyaabaha uu marsado marka uu habeen kasta dibedda u baxayo waxaa ku jira Lemon, Sunscreen iyo Lemonvate, kuwaasoo ay ku darsan yihiin maaddooyinka Mercury iyo Corticosteroids – oo labaduba halis ku ah jirka. Mercury waxaa u dheer inay maskaxda xitaa u daran tahay, waxay sidoo kale keeni kartaa xubnaha oo waxyeellooba sida wadnaha, sambabada iyo hannaanka difaaca jirta.

SHEEKADANI CAADI MAAHA.

Dalka South Africa, in badan oo ka mid ah dadwaynaha ayaa adeegsada waxyaabaha la isku caddeeyo, iyagoo aaminsan inay taasi u sahlayso fursado shaqo – dal taariikhiyan caan ku ah cunsuriyad iyo cadaalad darro midab ku dhisan, waloow ay sharci darro tahay in la iibsado badeecadaha qaarna, sida ay daraasado hore muujinayaan 3-dii haween ahba mid baa is caddeeysa oo iibsata.

Halkan hoose ka DAAWO….

La soco qaybta kale….

Hadalsame Media