Madaxweynaha Soomaaliya:- “Al-qaacida iyo Daacish waxay ka daran yihiin gumeystihii Soomaaliya,”

0

(Muqdisho) 01 Luulyo 2018 – Madaxwayneha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo maanta oo Axad ah la hadlayey kumanaan ruux oo isugu soo baxay fagaaraha garoonka kubbada cagta Koonis ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya leedahay cadaw fara badan loona baahan yahay Midnimo iyo wadajir.

Madaxwayneha ayaa khubad dheer u jeediyey dadwayne fara badan oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee degmooyinka caasimadda si ay ugu dabaal deganaa maalinta israaca Kowda Luuliyo ee gobolada Koofureed iyo Waqooyi ee Soomaaliya oo ka xoreebay gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga 58 sanno kahor.

“Ma haysano diyaarado iyo Maraakiib dagaal, iyadoo aysan wali meeshii la rabay noo gaarin dhismaha ciidankeena sharafta leh ee qaranka iyo dawladnimadeena, laakin taas macnaheeda ma ahan in Soomaaliya dhimatay, shacabkeena ayaa ah awooda dhabta ah waana jiri doonaa si walba oo cadawgu isku dayo inuu na niyad jabiyo,” ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo.

Madaxwayneha ayaa fariin u diray shacabka Soomaaliyeed isagoo ku booriyey inay ka digtoonaada kuwa uu ku sheegay inay doonayaan inay cuuryaamiyaan dowladnimada Soomaaliya islamarkaana shacabka marin habaabiyaan oo ay iska hor keenaan dowladda iyo shacabkeeda.

Waxaa sidoo kale uu shacabka u sheegay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto kuwa doonaya inay dumiyaan dowladnimada Soomaaliya sida ururada Alqaacida iyo Daacish oo uu sheegay inay u adeegayaan gumeystaha Soomaaliya, doonayaana inay tirtiraan qaranimada Soomaaliya.

“Maanta waxaad heysataan dowlad wanaagsan oo ka shaqeynaysa soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, waa in aad la shaqeysaan. Dadka doonaya in ay shacabka dowladooda ka hor keenaan waxaa ay raadinayaan waa sharci la’aan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Wadaniyadu aysan ahayn wax afka laga sheegto oo ay u baahan tahay in ficil lala yimaado.

Madaxwayneha dowladda Federaal Soomaaliya ayaa sidoo kale u sheegay shacabka waqooyi ee Somaliland in dowladdiisu sameyn doonto wax walba oo ay ku qancayaan si loo sii adkeeyo midnimada ummada Soomaaliyeed, isagoona sheegay inay doonayaan inay dib u billaabaan wadahadaladii Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyey Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa walaaltinimada iyo garab istaaga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Soomaliland inay joojiyaan dhiiga ku daadanaya deegaanka Tukaraq isagoona ka dhawaajiyey inaan loo baahneyn inuu sii daato dhiig Soomaaliyeed.

Hadalsame Media