DAAWO: “Koox baa madaxda nakala ilaalinaysay!” – Qalbi Dhagax oo ka hadlay cidda ka dambaysay sii dayntiisa

0

(Adis Ababa) 01 Luulyo 2018 – Waxa aanu markii ugu horaysay wada hadalay Qalbidhagax oo ku sugan Addisa Ababa , Waxa uu ii sheegay in ay fiicantahay xaaladiisu oo uu Allaah u mahadnaqayo , labo maalmood kadibna uu soo gaadhi daano magaalada Nayroobi , mar aan waydiiyey sida uu ku soo baxay waxa uu ii xaqiijiyey in R/W Itoobiya soo daayey oo uu u mahadcelinayo , intaa waxa uu ii raaciyey in aanu jirin talis soomaaliyeed oo ka qayb qaatay soodayntiisa . Halkan ka DAAWO

Mar aan waydiiyey yey ahaayeen xubnihii sida gaarka ah uga shaqeeyey dhiibistiisa waxa uu igu yidhi waxa jiray koox is wadata oo arinkayga si gaar ah u wadatay oo aniga iyo madaxad sare na kala ilaalinaysay .

Wax aan ugu dambaysiiyey maxaan kaa gaadhsiiyeyaa umaddii soomaaliyeed , waxa cabdikariim Sh.Muuse Qalbidhagax ku dheeraaday waanaga uu ka tirsanayo sida soomaali u garab istaagtay , waxaanu adkeeyey u mahadcelintooda , waxa uu igu yidhi iga gaadhsii in ay soomaali isugu kay mid tahay oo aanan ku kala xigsanayn qabiil iyo deegaan , waxaanu igu yidhi iga gaadhsii salaan.

Xigasho: C/maalik Sh.Muuse Coldoon

Hadalsame Media