DADNIMO MISE DANAYSI: Baraha bulshada oo ku kala qaybsamay FAL uu Ronaldo xalay sameeyay! (Daawo)

0

(Sochi) 01 Luulyo 2018 – Dunida kubadda cagta ayaa mar qura “tillaabo gobannimo ah” ku tilmaantay fal uu sameeyay kabtanka Portugal ee Cristiano Ronaldo oo caawiyay laacibkii dhaliyay labadii gool ee xulkiisa ka saaray KA2018 ee Edinson Cavani.

Mar uu Cavani sidii wax dabran u soconayay ayaa waxaa soo rucleeyay Ronaldo, iyadoo ay weliba 15 daqiiqo ka badan ka harsanayd ciyaartii xalay ka dhacday Fisht Stadium ee Sochi, Ronaldo ayaa markiiba garabka qabtay qannaaska Uruguay.

Daraasiin ka mid ah dadka adeegsada Twitter-ka ayaa arrintaa ku tilmaamay tillaabo “muujinaysa ciyaar wanaag” iyo wax uu garabka Real Madrid ku muujiyay inuu leeyahay damqasho iyo dadnimo.

Yeelkeede, koox kale ayaa arrintaa dadnimada iyo damqashada lagu tilmaamay u arkay danaysi iyo anaaniyad iyagoo qaba in Ronaldo uu diiddanaa inuu waqti badani kaga dilmo luudista Cavani.


Hadalsame Media