CODSI CEEBEED: ”Wuxuu igu yiri mar kasta waan ku ridayaa haddii aadan i af garan!!” – Macallimiin godob ka gala gabdhaha (Maqal & Muuqaal?

0

(Mabuto) 01 Luulyo 2018 – Jeer ay gabdha Mozambique iskuullada uga saaqidaan da’da 11, Maria* waxay xambaarsan tahay qorshe kale. Gabadhan oo 16 jir ihi waxay quud darraynaysaa inay ka mid noqoto 1% haween ah oo u gudba jaamacadaha dalkeeda, si ay weriye u noqoto.

Yeelkeede, mustaqbalkaa u ifaya Maria waxaa halis ku haya macallinka iskuulkeeda oo sida ay sheegtay doonaya inuu la seexdo si ay dhibco u hesho, isagoo haddii kale ugu gooddinaya inuu ridi doono haddii ay dalabkiisa diiddo.

Qisada wadna qabadka leh ee Maria ka sheekaynayso — ee la hal maasha kumannaan sheeko oo kale oo ku dhaca gabdhaha yar yar ee reer Mozambique ee ay ku tacadinayaan macallimiintii tarbiyayn lahayd — waxaa dokumenteri dab iyo holac ah ka diyaarisay Kiki King, kaasoo ay cinwaan uga dhigtay macallimiin kalsoonidii jebinaysa, lagana baahiyay SBS Dateline.

Film-kan, waxay Maria uga sheekaynaysaa sida uu macallinku u bedeley dhibcihii ay heshay oo aad u wanaagsanaa. “Wuxuu igu yiri, ‘Waxaad heshay dhibco aad u wanaagsan. Balse waan ku ridey, 3 sano oo soo socotana waan ku ridayaa,’” ayay leedahay.

Maria waxay sheegtay inuu mar xitaa ku ballamiyay meel uu yiri waxaa iskugu imanaysa ardayda, balse markii ay goobta tagtay ay kaligeed noqotay xilli ay 15 jir ahayd. “Toos iima dhihin waan kula seexanayaa, balse wuxuu igu yiri wax aanan ku celin karin hadda.’” ayay tiri Maria.

Muuqaalka waxaa xitaa ku jira macallin qiranaya inuu hablaha yar yar ka dalbado inay la seexdaan haddii kale aysan ka heleynin dhibco ay ku baasaan, isagoo weliba leh gabar yar oo uusan rabin inay wax gaaraan.

Arrimahan oo kale ay meelo badan ku qabsan karaan gabdhaha yar yar oo ay tahay in laga digtoonaado.

*Maria waa magac allifaad ah sababo amaan dartood.

La soco qayb kale…

Hoos ka DAAWO muuqaalka oo buuxa….

Hadalsame Media