Maxaa keena midnimada iyo qaybsanida nafsiyadda bulsheed — Qalinkii Ibraahin-Hawd Yuusuf

0

(Gothenburg) 30 Juun 2018 – Dadka aynnu ugu yeedhno ”reer galbeed” ee asalkoodu Yurub ka soo wada jeedo, maantana qaaradaha dunida oo dhan ku fidsan, aad bay isugu xidhan yihiin oo isu kaashadaan. Cid wal oo kale oo qolo iyaga ka mid ah wax dhex maraan waa ay isugu tagaan oo isaga hiiliyaan. Waxaa isu haya dareen adag oo is ahaansho iyo xigtannimo ah. Sidee bay haddaba taasi ku suurtagashay iyaga oo qarniyo badan qaarado ku ka la maqnaa?

Jawaabtu waxaa weeye, caddaanku si aad u qorshaysan ayay uga shaqeeyaan xidhiidhkoodu in uu sidaa ahaado. Awood iyo abaabul aan xad lahayn ayay geliyaan midaynta iyo wadaagga wax walba oo dhexdooda ah. Waxaa isaga dhex qulqula wax wal oo nafsiyadda dadka mideeya: suugaanta, filmada, fan iyo farshaxan kasta, farsamada iyo ganacsiga. Dadaalka caynka ahi wax uu si wacan maalmahan uga muuqdaa Midowga Yurub oo ka shaqaynaya midaynta nafsiyadda iyo dhaqanka bulshooyinka ka la wada duwan ee ururkan ku midoobay. Quruumaha ku ka la dhaqan inta u dhexaysa Iswiidhan, Boolan, Giriig ilaa Boordaqiis ayaa la doonayaa in lagu abuuro in ay dad qudha isku yihiin oo wax walba wadaagaan. Hirgelinta hawshaa waxaa loo adeegsanayaa agabyada aynnu kor ku xusnay oo karti iyo dhaqaale badan lagu bixiyo.

Halkaa malaha waxaa ku jirta cibro qaadasho ku saabsan waxa reer Afrika oo isku qaarad ah ka la fogeeyay ee ka la daadiyay kana dhigay dad aan waxba wadaagin. Afrika ma jirto cid weligeed ka shaqaysay isu dhowaynta iyo midaynta dareenka bulshooyinkeeda. Ma badna fanka iyo suugaanta iyo dareennada kale ee wanaagsan ee bulshooyinka qaaradda isaga gudbaa. Sidaa darteed qofka caawa Nayroobi joogaa shuuxa Landhan ka da’ay ayuu uga xogogaalsan yahay duufaanta ka dhacday Harare.

Sideedaba fanka iyo suugaantu dadka wax ay wadaajiyaan waayaha nolosha iyo dareenka dadnimada. Haddii aad ummad suugaanteeda akhrido, dadkii iyo noloshii ay suugaantaasi kaaga sheekaysay baad la falgashaa oo wax ka ogaataa. Meelaha iyo muuqaallada ay suugaantaasi ku bartay iyaguna waa la mid. Dabadeed dadkaasi sidii ay ku xigaan baad la damqataa una damqataa, oo xumaanta ku dhacda ka naxdaa wanaaggoodana ku faraxdaa. Ku xidhnaanta suugaantaa mar kasta oo aad badsato qoladaa waad u sii dhowaataa oo sii jeclaataa ilaa aad si uga mid noqoto. Taa beddelkeeda, cidda aadan waxba ka aqoon u ma damqatid oo dan ka ma yeelatid, amaba waad colaadisaa. ”Qofku wax aanu aqoon waa cadow” waa murti caalami ah.

Wax ka la sheegashada iyo qaybsanaanta nafsiyadeed ee soomaalida maanta ka dhex socota ee intaa sii xoogaysanaysaa cawaaqib xumo aad u weyn bay soo waddaa. Haddii aan wax laga qaban waa la sii ka la durkayaa, ugu dambaynna waxaa loo ka la go’doomayaa sida Afrika.

Qore: Ibraahin-Hawd Yuusuf

Hadalsame Media