MAQAL & MUUQAAL: ”Haddii aad carruurtaada canaanato way ku DACWAYNAYAAN!” – Jackie Chan oo Soomaali badan ku fikir ah !

0

(Hong Kong) 30 Juun 2018 – Aktarka caanka ah ee reer China, Jackie Chan ayaa ka sheekeeyay dhibaatada uu kala kulmay Galbeedka, isagoo ka hadlay arrin dhibaato badan ay sidoo kale ku qabaan Soomaali fara badan, taasoo la xiriirta macaamilka qoyska iyo carruurta.

Jackie Chan ayaa ka hadlay in waagii uu yaraa aad loo edbin jirey isna uusan dood ka qabi jirin, halka maanta haddaad ilmahaaga la hadasho ay ku dacwaynayaan.

”Taasi ma fiican tahay?” ayaa la wayddiiyay, wuxuuna ku jawaabay in Galbeed ahaan aysan iyaga la fiicnayn balse ay isaga la fiican tahay marka dhaqanka Shiinaha iyo dishibiliinkiisa la eego.

Wuxuu Chan sheegay in waagii uu yaraa uu kabahiisa si siman meel u dhigi jirey, dharkiisana inta laallaabo uu meel wanaagsan dhigan jirey, halka maanta wiilkiisu uusan ka warqabin halka uu kabihiisii dhigay.

”Dhaqankeenna qofka wayn waa la ixtiraamaa, lkn maanta wiilkaygu anigoo la hadlaya ayuu is ruxayaaa oo uusan dan ka lahayn qofka aan ahay” ayuu yiri Chan oo adeegsanaya Ingiriisi celcelis ah iyo suul-dhabaalays. Hoos ka DHEGEYSO….

 

Hadalsame Media