”Dheh waxaan qarxinayaa Naschel” – Taageere bahdiley Oday Carab ah oo ay arrintiisu heer diblomaasiyadeed gaartey!

0

(Buenos Aires) 30 Juun 2018 – Buenos Aires ayaa Ruushka ka codsaday in ay ciyaaraha adduunka ka mamnuucaan sarkaal maxalli ah oo Argentinian ah kaddib markii uu soo bandhigay muuqaal uu ku bahdilayo taageere Carbeed.


Ninkan ayaa la gartay waana Juan Pablo Olguin, kaasoo xoghaye ka ah arrimaha sharciga ee maamulka maxalliga ee Buenos Aires, wuxuuna duubay muuqaal uu nin Carab ah oo cimaamad wata oo aan aqoonin af Spanish-ka ugu yeerinayo erayo hanjabaad ah oo ah inuu ”qarxinayo koox kubadda cagta ah oo ka dhisan magaalada Naschel, Argentina.

Wasiirka Amaanka Argentina Patricia Bullrich ayaa Twitter kusoo qortay codsi ay u jeedinayso maamulka Ruushka oo ay ka codsatay inay kaarka aqoonsiga kala noqdaan Olguin oo uu falkiisu yahay mid aan habboonayn oo sumcad dil ah.

”Falkiisa mas’uuliyad darrada ah waxaa uga sii daraysa inuu yahay nin xil ka haya xafiis dadwayne” ayay Twitter-ka kusoo qortay.

Hadalsame Media