DAAWO: Blackmore wuxuu kaligii qabaa 24 xaas, isagoo dhalay 149 carruur ah!!

0

(Cranbook) 30 Juun 2018 – Laba horjooge oo ka tirsan fariiqo Masiixi ah oo labadoodu qabey isu gayn ahaan 29 xaas ah oo u dhalay 160 carruur ah ayaa Talaadadii lagu xukumay xabsi guri iyo adeeg bulsho, magaalada Cranbook, British Columbia, Canada.

Winston Blackmore, 61 jir, waxaa lagu helay dembi ah inuu kaligii qabo 24 xaas, halka James Oler, 53 jir, lagu helay inuu qabo 5 xaas ah. Blackmore ayaa kaligii dhalay 149 carruur ah, sida uu qorayo Star Vancouver.

Blackmore ayaa 6 bilood oo xabsi guri ah lagu xukumay, si uu dawooyinkiisa u qaato. Oler isaga waxaa lagu xukumay 3 bilood oo xabsi guri ah, waxaase labadoodaba loo jarayaa 12 bilood oo la hubinayo hab-dhaqankooda, iyadoo laga kala rabo 150 iyo 75 saacadood oo adeeg bulsho ah sida ay u kala horreeyaan.

Labada nin ayaa ka tirsan mad-hab hoos tagta Masiixiga oo aaminsan in xaasas aad u fara badan la guursado.

Hadalsame Media