Guddi diyaarinaya maalinta Xoriyadda & Midnimada 1-da Luulyo oo kulan la qaatay ciidamada + Sawirro

0

(Muqdisho) 29 Juun 2018 – Guddi wasiirro ah oo loo xilsaaray xuska maalmaha xoriyada Soomaaliyeed ayaa maanta la kulmay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku jiray dhoola tuska u diyaar garawgii u danbeeyay ee munaasabadda 1da Luulyo.


Guddigan waxay kala ahaayeen wasiirka Gaashaandhiga Xasan Amardanbe, wasiirka Warfaafinta Daahir Geele, wasiirka maaliyada C/raxmaan Beyle iyo saraakiil ciidan.

Munaasabada 1da Luulyo sanadkan ayaa lafilayaa inay siwayn uga duwanaato munaasabadihii hore. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Hadalsame Media