DAAWO: Xulka South Korea oo UKUN & waxyaabo kale lagu tuuryeeyay!

0

(Seoul) 29 Juun 2018 – Xulka Koonfurta Kuuriya ayaa waloow uu guruubyada ku haran misna la oran karaa si qurux badan ayuu ku haray isagoo la kacay xulka xoogga wayn ee Jarmanka oo uu ciyaartii ugu dambaysay 2-0 diray.

Yeelkeede, taageerayaasha qaarkood taa lafteedu uma cuntamin, waxaana caradooda laga dareemayay markii ay garoonka uga hortageen ilaa 500 taageere, waloow inta xulka mucaaradsanayd ay yarayd, misna taasi meesha kama saarin in xulka lagu tuuro ukun iyo barkimo.

“Anigu ma rabin inaan soo guryo noqonno ilaa bisha Luulyo, waana niyad jab inaan Juun soo laabannay,” ayuu yiri Shin Tae-Yong sida uu qoray ESPN.

Jookarka Son Heung-Min, oo laba gool oo mid qurux badnaa ka dhaliyay KA2018, ayaa ukun lagu sigay, saasoo ay tahayna aad buu ugu mahad celiyay taageerayaasha, isagoo sheegay inuu han wayn yahay maaddaama ay garaaceen xul wayn sida Jarmanka.

Hadalsame Media