DAAWO: ”Haddaad Ronaldo celiseen, dowladdiinana waad cayrin kartaan” – Netanyahu oo waddo yaab leh u maray kicinta dadka Iiraan

0

(Tel Aviv) 29 Juun 2018 – Isagoo ku faanaya sida uu kubadda u moollayn yaqaanno iyo xirfadihiisa kubadeed, Benjamin Netanyahu ayaa siyaasadeeyay bandhiggii Iiraan ee KA2018, isagoo sheegay in haddii ay awoodeen inay celiyaan Cristiano Ronaldo, in sidoo kale mucaaradka dalkaasina ay tuuri karaan dowladda Islaamiga ah ee Iiraan.

Netanyahu oo ku ciyaaraya dareenka shucuubta reer Iiraan ayaa horseedka siyaasadeed ee dalkaasi u sheegay inay ka qalin daartaan geesinnimada xulka Iiraan oo 1-1 la noqday xulka Portugal, isla markaana ay foolka ku diiraan dowladda dalkooda, isagoo sheegay inuu ka fikirayo sida uu yiri wanaagga dalkaasi.

“Iran waxaa haysta dhibaatooyin badan — hawo diqoow, biyo yaraan, balaayiin argagixiso lagu khasiro. Ma qiyaasi kartaan haddii dowladda Iiraan intii ay lacag ku khasaarin lahayd Suuriya, Yaman iyo dagaallo aan daruuri ahayn oo ka socda Bariga Dhexe, ay lacagahaa u adeegsan lahayd xallinta dhibaatooyinka iiraan?” Ayuu yiri isagoo ka hadlayay muuqaal uu cinwaan uga dhigay ”waxaad celiseen Ronaldo.”

Waa markii 2-aad oo uu muuqaal noocan ah soo dhigo Youtube-ka isla bishan Juun dhexdeeda, isagoo u dardaar werinaya dadwaynaha Iiraan, isla markaana si cad u maagaya maamulka Tehraan oo aysan isku fiicnayn siyaasad ahaan.

 

Hadalsame Media