”10 kun oo doollar ayaan siinayaa qofkii ii keena xogta ninkii ”i diley” – Maradona

0

(Moscow) 29 Juun 2018 – Cabqarigii kubadda qurxoon ee Diego Maradona ayaa ballan qaaday inuu abaal marin ahaan u bixin doono $10,000 oo doollar si loosoo helo ninkii magaalada geliyay warkii ku tiri kuteenta ahaa ee sheegayay inuu u geeriyoodey wadne istaag.

Warkaa ayaa mar qura soo baxay intii lagu jirey ciyaartii Argentina v Nigeria ee dhacday 26-kii Juun, goortaasoo Maradona lagala orday garoonka St. Petersburg oo ay kooxdiisu guul dirqi ah ku gaartey.

Qof baa deeto WhatsApp ku faafiyay inuu isbitaalka ku xijaabtey 57-jirkan, isagoo sheegay in lagu guul darraystay cirbad adrenaline ahayd oo lagu duray.

Maradona oo warkan si shakhsi ugu beeniyay Instagram, isagoo sheegay in ay dhakhaatiirtu kula taliyeen inuu xaafadda aado, balse uu isagu go’aansaday inuu ciyaartaa adag daawado, wuxuu kaloo qirtay inay dhibka u keentay khamriga cad oo uu ka dhergey xilligii biririfta.

“Waxaan bixinayaa 300,000 pesos ($10,000) oo aan siinayo qof kasta oo iiga war keena qofka leh codkaasi,” ayuu yiri Maradona.

 

Hadalsame Media