SHEEKHOOW YAAD TAHAY?!!

0

(Hadalsame) 28 Juun 2018 – Shiikh Soomaali ah oo tafsiir ka akhriya masaajid ku yaal magaalo Yurub ah ayaa waxaa u yimi oday ka mid ah jamaacada tafsiirka ku taxan. Wuxuu yiri ‘shiikhoow aniga tafsiirku maalin walba waa i dhaafaa waayo waxaa waqtiga iga qaada intaan ku mashquulsanahay inaan ogaado qabiilkaaga.

 

Af Soomaaligaaga waan ku wareeray oo mar lahjaddii koonfur baad noo saartaa, mar tii waqooyi, mar galbeed, oo weliba maalin dhawayd tuuladaydii baabad ila soo gashay. Hadaba adeeroow culayska igaa qaadoo – horta yaa tahay?’

Dhibka qabiilku wuxuu nagu abuuray dhaqan kala shaki oo qofkii kugu cusub oo aad meel ku kulantaan wuxuu jeebka ku sitaa dhawr cajaladood wuxuuna ka baqayaa inuu kuu saaro cajalad qaldan.

Marka waa inuu iska kaa hubiyaa. Haddii aad reero kale tahay wuxuu kuu shidayaa cajalad ‘Soomaaliyeey toosoo’ la yiraahdo, haddii aad qabiilkiisa noqotid si hoos ayuu kuula hadlayaa, haddii aad wadaad noqotana cajalad wacdi ah.

Qore: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media