”Milan sidan ma mudna!” – Guddoonka Olombikada oo niyad jab ka muujiyay UEFA!

0

(Milano) 28 Juun 2018 – Madaxwaynaha Guddiga Olombikada Talyaaniga ee Giovanni Malago ayaa ganaaxa Milan looga saaray Europa League ku micneeyay “jug ku dhacday kubadda cagta Talyaaniga”.


Kooxda Rossoneri ayaa Yurub laga eryey muddo sanad ah, iyadoo ay UEFA ku eedaysay inay ku tumatay xeerka u degsan dhaqaale wanaagga ee Financial Fair Play, waxayna Milan doonaysaa inay xukunkaa bedesho iyadoo rafcaan u qaadanaysa maxkamadda cadaaladda isboortiga.

“Sida waajibka igu ahba, ixtiraam baan u muujiyaa hay’adaha jira, balse shaki kuma jiro in xukunka UEFA ee Milan uu jug gaarsiiyay kubadda Talyaaniga,” ayuu yiri Malago oo la hadlayay ANSA.

“Waxaan la hadlay [agaasime Marco] Fassone maanta, waxaana rajaynaynaa inuu war sami kasoo yeeri doono maxkamadda rafcaanka ee CAS. Taariikhda naadigani uma qalanto sidaas, natiijada ay gaartey waxay ku qoran tahay taallooyin, koobab tiro beelay oo caalami ah oo ay 7 CL ku jiraanna way haysataa. Waan arki doonnaa Cas ayaa jirta.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media