DHEGEYSO: Su’aalo la iska waydiinayo shir ONLF uga furmaya Eritrea

0

(Asmara) 28 Juun 2018 – Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa dhowaan bilaabay inay ka wada hadlaan sidii loo dhamayn lahaa colaad ka dhex aloosnayd muddo 20 sanadood ah, taasoo qayb ka ah wax u eg isbedello siyaasadeed oo mar qura ka bidhaamaya gobolka aadka u qasan ee Geeska Afrika.

Haddaba, wadahadalada labada dal marka laga yimaaddo, waxaa dalka Eritrea ka furmaya shirweyne ay yeelanayaan xubnaha ONLF oo ah jabhad u dagaalanta madaxbanaanida gobolka Ogaden.

BBC-da ayaa wareysi la yeelatay afhayeenka jabhadda Cabduqaadir Xassan Xasan Caddaani Hirmooge oo Asmara ku sugan, shirkana ka qeybgalaya, wuxuuna sheegay in shirkani uu yahay kii seddexaad, islamarkaasna uu ka mid yahay kuwii caadiga ahaa ee jadwalka ku jiray.

Hadalsame Media