Al-Shabaab oo sheegay in hoggaamiyahoodu uusan geeriyoonin

0

(Muqdisho) 27 Juun 2018 Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey inay geeriyooday hoggaamiyahoodu kadibWarar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo soo baxay saaka oo arbaco ah ayaa sheegeen in hogaamiyaha Ururka Al-Shabaab Axmed Diiriye oo dudaha Al-Shabaab looga yaqaanay Axmed Abuu-Cubeyda uu ku geeriyooday Magaaladda Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Warside ku hadla afka Ururka oo soo xiganayey saraakiil ka tirsan ururkaasi ayaa beeniyey sheekadda saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ee Geerida Amiirka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtey in sheegashadaani looga danleeyahay dacaayad iyo in shacabka Soomaaliya lagu jahawareeriyo waxaana ay sheegeen in hoggaamiyahoodu nool islamarkaana caafimaad qabo.

Bishii September ee sanadkii 2014 ayay ahayd markii Axmed diirye loo yaqaano Abuu-Cubeyda loo magacaabey hogaamiyeha Al-Shaabab kadib markii duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay hoggaamihii isaga ka horeeyey Axmed Cabdi Godane.

Hadalsame Media