SAWIRRO: Waa kee XULKA uu badanaa JARMANKU reebi jirey ee haatan ku faraxsan haritaankiisa?

0

(Moscow) 27 Juun 2018 – Taageerayaasha xulalka waawayn ee ka qayb gelaya KA2018 ayaa aad ugu farxay haritaanka Jarmanka oo iminka macasalaameeyay koobkaasi kaddib markii ay 2-0 direen South Korea, taasoo ka dhigan in 80 sano kaddib uu wareegga 1-aad ku haray.

Taageeraayasha aadka ugu faraxsan inuu Jarmanku haro waa kuwa Ingiriiska ee Three Lions, kuwaasoo had iyo goor uu koobabka caalamiga ah kasoo reebi jirey Jarmanku, tusaale ahaan Italia 90 iyo Euro 96.

Natiijadani waxay sidoo kale England soo xusuusinaysaa sanad guuradii 8-aad ee kasoo wareegtay markii ay Jarmanku 4-1 ugu dhiibeen KA2010, taasoo lagu ciyaarayay  Bloemfontein, South Africa.

Hadalsame Media