DHEGEYSO: ”Ingiriisoow dhaxalkii aad nooga tagteen kaalaya Puntland ka dhiciya!!” – Marwo Faaduma

0

(Hargaysa) 27 Juun 2018 – Marwo Faaduma Siciid oo ka tirsan xisbiga Waddani ee ka jira Somaliland ayaa sheegtay inay u gar dhigatay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain oo ay ku doodayso inay kala hadashay wax ay ku sheegtay xudduudda u dhaxaysa Somalia iyo Somaliland.

Waxay sheegtay in ay u sheegtay in waxa eelka dhigay ay yihiin Britain oo iyadu xudduudo u samaysay Soomaalida, sidaa daraadeedna ay isla iyaga ”waajib” ku tahay inay ”ilaaliyaan” xudduudahaasi, sida ay tiri Marwo Faaduma.

”Dhaxalkii aad nooga tagteen baannu annagu weli ku egnahay, xuduud ay Somaliland samaysayna ma ahane waa mid aad idinku samayseen” ayay tiri Marwo Faaduma oo Britain ku boorrisey inay iyagu xalliyaan sida ay tiri eelka ay ka tageen.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe wajahayay culaysyo kaga imanayay siyaasado ku dhisan dano gaar ah oo ay dhisaaleen siyaasiyiin eeganaya danahooda gaaka ah.

 

Hadalsame Media